Israel oo sii wada cadaadiska ay ku heyso Masjid Al Aqsa iyo Muslimiinta

Published: April 17, 2022

Booliska Israel ayaa markale weerar ku qaaday xarunta Masjidka ee Al-Aqsa, laba maalmood ka dib isku dhacyo ay la yeesheen Falastiin.

Booliska Israel ayaa Falastiinta iyo Muslimiinta ku cibaadeysanayey masjidka ka saaray maanta oo Axadda ah.

Israa’iiliyiinta ayaa sheegay in ay galeen xarunta Masjidka si ay u fududeeyaan booqashada Yuhuudda dooneysa inay booqdaan halkaas, iyagoo ku dooday inay Falastiiniyiinta ay dhagxiyeen Yahuuda halkaasi taga.

Cadaadiskan Israel ku soo beegtay xiliga bisha Barakeysan ee Ramadan ayaa garab socda qorshaha Yahuuda dooneyso inay gudaha usoo galaan xarunta balaaran ee dhulka Masjidka ku fadhiyo si ay ayaguna halkaas ugu tukadaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *