Xaalad adag oo soo wajahday dadkii ka barakacay deegaanka Ceelbaraf

Published: May 6, 2022

Xaalad adag oo dhanka nolosha ayaa la sheegay inay soo wajahday qoysaska ka barakacay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo qoysaska kale ee ku haray deegaankaasi, ka dib weerarkii Shabaabka ay Talaadadii ka gaysteen Xerada Ciidanka Midowga Afrika ee deegaankaasi.

Weerarkaas iyo duqayn daba socotayba ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay dadka deegaanka, taa oo ku khasabtay inay guryahooda isaga cararaan, iyadoona weli ay barakac uga maqan yihiin guryahooda, waana xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa ATMIS aanay weli dib ugu laaban saldhigyadooda.

Gudoomiyaha deegaanka Ceelbaraf Cabdullaahi Xaaji Muxumed ayaa xaqiijiyay in afar qof oo rayid ahi ay ku dhinteen weerarka iyo duqayntii xigtay, halka lix iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in loo soo gurmado qoysaska ku haray deegaanka iyo kuwa kale ee ka barakacayba.

Weerarkan ayay Al Shabaab sheegatay inay ku dishay 173 askari oo ka tirsan Militariga Burundi, inkastoo Dowladda Burundi ay sheegtay in 10 askari looga dilay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *