Diiwaangelinta musharaxiinta Madaxweynaha oo maanta bilaabanaysa

Published: May 8, 2022
No photo description available.

Diiwaangelinta musharaxiinta Madaxweynaha JFS ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato Xarunta Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Diiwaangelinta ayaa socon doonto laga bilaabo 9:00am (subaxnimo) illaa 4:00pm (galabnimo), muddo saddex maalmood ah.

May be an image of furniture, indoor and office

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa saddex cisho u muddeeyay inay isu diiwaangeliyaan xubnaha musharaxiinta, iyadoona ay diiwaangelintu ku egtahay gelinka dambe ee Talaadada.

Guddiga ayaa murashax kasta oo shuruudaha buuxiya waxa ay guddoonsiin doonaan shahaadada musharaxnimo.

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa 15-ka bishan dooran doona Madaxweynaha xigga ee Dowladda Federaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *