Gudoomiyaha Golaha shacabka oo magacaabay la-taliyihiisa siyaasadda iyo amniga

Published: May 11, 2022
No photo description available.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa La-taliyahiisa arrimaha siyaasada iyo amniga u magacaabay Maxamed Xasan Idiris.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warqadda uu ku soo saaray magacaabidaan, wuxuu xoghayaha guud ee golaha shacabka ku faray inuu u dhameystiro la-taliyaha cusub habraaca iyo meelmarinta go’aanka sida ugu haboon ee sharciga waafaqsan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa warqadaan ku sheegay in xafiiskiisu uu baahi badan u qabo la-taliyahaan, isla markaana uu Maxamed Xasan Idiris leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa hadda ah masuulka ugu sareeya dalka, waxaana hor taalla mareynta marxaladaan kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *