Hadal-Jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha JFS oo la gaba-gabeeyay

Published: May 12, 2022

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisyooni waxaa Galabta lagu soo gaba-gabeeyay hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

19 Musharax ayaa Maanta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka kahor jeeyay khudbadahooda ku aadan sooyaalkooda siyaasadeed iyo ballanqaadyada  waxa ay qaban doonaan marka loo doorto xilka Madaxweynaha JFS.

Musharaxiinta hadalka jeediyay ayaa waxaa ku jiray Madaxweynaha hadda xilka haya, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Madaxweynaha Puntland oo ah Musharax Madaxweyne iyo Musharaxiin kale, halka 20 kalena ay shaley jeediyeen khudbadahooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo xiray fadhiga kulankii Maanta, wuxuuna u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee dhageystay khudbadaha ay u jeediyeen Musharaxiinta.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 15-ka bishaan oo ku beegan maalin axad ah ka dhaceysa Teendhada Afisyooni.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *