Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Published: May 18, 2022
May be an image of 2 people, people standing and indoor

Madaxweynaha cusube ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

Kulanka oo ahaa salaan iyo Hambalyo ayaa safiirka waxaa uu madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu la gaaray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka.

May be an image of 1 person, sitting and suit

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga majad celiyay Safiirka Sacuudiga taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *