Shaqaaqo dhex-martey ciidanka PSF iyo Booliska Bosaso oo dhimasho sababey

Published: June 10, 2022

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacdey meel ku dhaw xarunta PSF ay ku leedahay magaalada Bosaso, kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska Bosaso ay tageen xeebta iyada oo ah maalin Jicme ah dadkuna u damaashaad tago. Rasaasta labada ciidan dhex martey ayaa sababtey dhimashada laba askeri oo ka tirsan ciidanka Booliska, dhaawaca ilaa afar qof oo shacab ah iyo qaar kamid ah ciidanka PSF oo is rasaaseynta ku dhaawacmey.

Maalinkasta oo Jimce ah waxaa xeebta Bosaso u dabaal taga dadweyne aad u fara badan , kuwaas oo ku dabaasha meel ku dhaw xerada PSF, ciidanka PSF ayaa sugi jirey amniga dadka dabaalanaya xeebta maadaama ay tahay meel aad ugu dhaw xerada.

Ciidanka Booliska Bosaso ayaa wararku sheegayaan in ay tageen xeebta Jimacadii hore oo sidaan oo kale la isku maandhaafey laakiin aysan dhicin wax rasaas ah, jimcadii labaad ayaa xaaladu faraha ka baxdey, markii ciidamo badan oo boolis ah halkaas tageen.

Labada dhinac ee shaqaaqadu dhex martey ayaan weli ka hadlin waxa sababey arrintan iyo sida wax u dhaceen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *