Mareykanka oo ay ka dhaceen mudaharaadyo looga soo horjedo sharciyada hubka

Published: June 12, 2022

Waxa dalka Maraykanka ka dhacaya mudaharaado ballaadhan kuwaas oo lagu doonayo in cadaadis lagu saaro kongeresska inuu adkeeyo sharciyada hubka u fasaxaya shacabka.

Magaalooyinka ay ka dhacayaan banaan baxyadu waxa ka mid ah caasimadda Washington, New York, Los Angeles iyo Chicago.

Dibadbaxyadan ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyiinkii u dambeeyay ay toogashooyiin ay dad ku dhinteen ay ka dhaceen dalkaasi Mareykanka.

Toogashooyinkii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay saddex magaalo oo Mareykan ah waxaa lagu dilay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay labaatameeyo kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *