Kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmaya

Published: June 15, 2022

Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Putland gaar ahaan xarunta Baarlamaaka waxaa saaka lagu wadaa inuu ka furmo kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland.

Kal-fadhiga waxaa furaya  Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo gelinkii dambe ee shaley dib ugu laabtay Garowe.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa in  muddo ah fasax ku jirey, waxaana la filayaa in Maanta kulanka Baarlamaanka lagu ansixiyo Mas’uuliyiin uu Magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad ka jeedin doona sida uu qabo Dastuurka Puntland furitaanka kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland, isaga oo ka hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo tan Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *