MW Deni oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 50-aad ee Baarlamaanka PL

Published: June 15, 2022

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta daah-furay kalfadhiga 50-aad ee Baarlamaanka maamulkaasi, isaga oo khudbad dheer u jeediyey xildhibaanada golaha wakiilada Puntland.

Saciid Deni ayaa warbixin guud siiyey xildhibaanada Puntland, wuxuuna sidoo kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, tan Puntland iyo arrimaha abaaraha.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday doorashadii madaxweynaha ee 15-kii May, wuxuuna shaaca ka qaaday in Puntland ay qayb ka aheyd isbedelka ka dhacay dalka.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorashooyinka qof iyo codka ah ee hadda ka socda Puntland, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay taaba-gelinta hannaan dimoquraadiyad.

Wuxuu intaasi ku daray in degmooyinka harsan laga qaban doono doorashooyin dadweyne, sida Qardho, Ufeyn iyo EYL.

Dhinaca kale wuxuu si adag uga hadlay xaalufinta dhirta, isaga oo xusay in ka maamul ahaan ay la dagaalami doonaan dadka ku howlan jarista dhirta & kuwa ka ganacsada.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay abaaraha ka jira deegaanada Puntland, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah looga qayb-qaato gurmada socda ee loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *