Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Xamse Cabdi Barre oo booqasho ugu tegay Guddoomiyayaasha labada Aqalka

Published: June 16, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo aheyd salaan iyo isbarasho.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa Allah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Guddoomiye Cabdi xaashi taageerada uu u muujiyay iyo dadaalkii uu u galay qabsoomida doorashadii ka dhacday dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu hambalyeeyay xilka qaran ee loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si una soo dhiso xukuumad cusub.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka ayaa kulan qayb ka ahaa

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *