Ciidamada NISA oo howlgal ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Published: June 20, 2022

Ciidamada Hay’adda nabad sugida ee NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlagallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan waxaa si gaar ah looga sameeyey deegaanada Farwaaley, Shirko Tuulo, Calidheere, illaa Warcadey oo hoostaga magaalada Beledxawo.

Ujeedka howlkagan ayaa saraakiisha nabad sugidda waxa ay ku sheegeen mid ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo mararka qaar lagu arko halkaasi.

Gobolka Gedo waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo mar kasta howlgallo baaritaano ah ka sameeya qaybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *