Puntland: Wasiiro Lagu Eedeeyey Dhacdadii Boosaaso Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyey

Published: July 12, 2022

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqo joojin ku sameeyey labo wasiir oo katirsan xukuumadda Puntland, kuwaas oo kala ah wasiirka duulista hawada Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Dekedaha Axmed Yaasiin.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Puntlandahna siibayaha xilka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay sababta shaqo joojinta wasiiradda, inay ku luglahaayeen is hortaaggii shalay lagu sameeyey diyaaradii gargaarka siday ee laga celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Talaabadan lagu diiday inay diyaaraddu uga degto garoonka diyaaradaha Boosaaso oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay isku-dhaca laba ciidan oo ka wada tirsan Puntland ayaa waxaa la socotay diyaaraddaasi Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha shacabka, Xil Sacdiya Salaad Samatar.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *