26 January oo Isbahaysiga RAJO u aqoonsaday maalintii eey Duntay Xoriyadii Somalia-Video.

Published: January 28, 2017

 

Dr. Cabdicasis Maxamud Takar oo ka mid ah aasaasyaasha Isbahaysiga Rajo.

Isbahaysiga midaynta iyo soo celinta rajada ummada soomaliyeed ee RAJO oo si weyn uga hawl gala dalka gudihiisa ayaa ku qabtay magaalooyinka kala ah; Muqdisho, Kismaayo, buulaxaawo, Bossaso, Baydhabo, Marka, laascaanood, Buuhoodle , Burtinle iyo Jawhar shirar eey isugu yimaadeen taageerayaasha RAJO ee ku nool magaalooyinkaas iyo dadwyne fara badan oo ka soo qayb galay nadwooyin baraarujin iyo xasuusin ah oo lagu soo bandhigay sida fudud oo eey Soomalia xoriyadeedii ku wayday maalintii 26 January 1991, qorshihii guracnaa oo cadwaga Soomaliyeed u hirgalay 26 sano ee la soo dhaafay, siyaabaha eey wadaniyiintu isu habayn karaan waqtigaan la joogo iyo siday markale dib loogu soo noolayn lahaa Jamhuuriyadii duntay.

Shirarkaas waxaa ka hadlay wax garad goobjoog ahaa xiligaas eey ku tilmaameen maalintii modoobeed, wexeyna khudbaduhu u badnaayeen sida Sommalidii xiligaa joogtay loo hoosaasiyay ama loo khiyaamay oo u horseeday dalku in uu gabi ahaanba uu waayo xoriyadiisii , midnamiadiisii iyo jiritaankiisi.

Waxyaabha diirada lagu saaray shirarkaas is daba jooga ahaa oo eey abaabuleen taageerayaasha Isbahaysiga RAJO ayaa u badnaa in la baro dhalinyarada da`da yar khaldkaas dhacay ee uu shisheeyuhu horseedka ka ahaayeen iyo dhibka soo gaaray Soomalida oo idil, iyo sida eey isu abaabuli lahaayeen oo kacdoon midaysan oo nabadeed u abuuri lahaayeen si dalku u xoroobo.

Isbahaysiga oo aan aqoonsanayn in gabi ahaanba eey ka jirto waqtigaan la joogo wadanka gudihiisa dawlad ama maamul ayaa u arka in dalku uu ku jiro gumaysi dadban dib u xorayntana eey saran tahay qof kasta oo soomali ah oo nool xiligaan.

Guuxaas qiirada badan oo eey RAJO hogaaminayso ayaa u muuqda in uu ku soo aadayo xili shacabka ku nool dalka gudihiisa uu dareen noocaas oo kala ah uu soo badanaayo iyadoo inta badan dadwaynuhu aaminsan yihiin in eey wax badan khaldmeen eyna tahay in loo wada guntado siidii gafkii dhacay 26 January si wadajir ah dib looga soo wada kabsan lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *