35 Burcadbadeed ah oo Sabtida maanta ah lagu wareejiyey Booliska Mombai

Published: March 23, 2024
Shares6

Markabka dagaalka ee INS Kolkata, oo siday 35-burcad-badeed ah oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay xeebaha Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah gaaray Mumbai, sida ay sheegeen ciidamada badda.B urcad-badeeddan ayaa markaas lagu wareejiyay booliiska Mumbai.

“INS Kolkata, oo ay la socdaan 35-ka burcadbadeedda ah ee la qabtay, waxay ku noqdeen Mumbai 23-kii Maarso, waxayna ku wareejiyeen burcad-badeedda booliiska maxalliga ah si ay u qaadaan tallaabo sharci oo dheeri ah oo waafaqsan sharciyada Hindiya, gaar ahaan sharciga ka-hortagga burcad-badeedda ee 2022,” ayay yiraahdeen ciidamada badda ee dalka Hindiya.

Burrcadbadeeda ayaa la qabtey iyaga oo saarnaa markbkii la afsuubtey 14 Disiimbar 2023 ee MV Ruam, kaas oo ahaa noocda xamuulka. Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in markabkan ka soo dhaqaaqey xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland si loogu ugaarsado maraakiib kale. Ciidamada Hindiya ayaa waxyeelo gaarsiiyey markabka kaas oo dhaqaaqi waayey kadibna waxaa weeraray ciidanka badda taas oo ku kaliftey Burcadbadeedu in ay is dhiibaan.

35 dhalinyarada ah ayaa u badan kuwo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Horseed Media