39 Qof oo lagu Dilay Duqeyn ay Israa’iil la beegsatay Iskuulka UNRWA ee Bartamaha Gaza

Published: June 6, 2024

Ugu yaraan 39 qof oo barakacayaal ah ayaa saaka oo Khamiis ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen kumanaan qof oo barakacayaal ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat, ee bartamaha marinka Gaza.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta maamulka Gaza ayaa lagu sheegay in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen xarunta hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta oo ku taalla xerada qaxootiga ee Nuseirat.

Maamulka Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 39-ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Waxa ay sheegeen in laga yaabo in dhimashadu ay sii kororto maadaama weli dadka dhibanayaasha ah la keenayo isbitaalka.

Ciidanka Israa’iil, ayaa dhankooda qirtay in ay duqeeyeen dugsiga UNRWA ee ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat, iyaga oo sheegay in dagaalyahannada Xamaas ay ku dhuumaaleysanayaan, walow aysan soo bandhigin wax cadeyn ah.

Israa’iil ayaa Marinka Gaza ku xasuuqday ku dhawaad ​​36,600 qof oo shacab tan iyo intuu bilowday duulaankeeda 8dii Oktoober ee sanadkii tagay, dadkaasi ayaa intooda badan ah haween iyo carruur, halka in ka badan 83,000 oo kale ay ku dhaawacmeen duqeynta joogtada ah.

Horseed Media