40 kun oo Arday oo maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ee Somaliland

Published: June 11, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee sanad Dugsiyeedka 2021-2022 oo ay u fadhiisteen ku dhawaad 40,000 (Afartan kun oo Arday) sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Barta Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi uu Ardayda u rajeynayo in ay gudbaan isaga oo alle ugu baryay in uu u fududeeyo Imtixaanka.

Ardayda waxa uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan dedaalkooda si ay u tijaabiyaan tacliintii ay barteen oo lagu imtixaannayo si Ardaygii gudba uu usii wato Waxbarashada heerarka kala duwan sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in Ardayda kasoo gudubta Imtixaanka ay heli doonaan Fursado ay kusii kordhisan karaan aqoontooda, isla markaana ay ku gacansiineyso sida ay hadalka u dhigtay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *