7 Meelood oo lagu Saleeyay Odoroska Miisaaniyadda Puntland ee 2020-ka

Published: November 19, 2019

Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa maanta barlamaanka horgeeyay barlamaanka Dowladda odoroska miisaaniyada 2020ka, taasi oo cadadkeeda ay dhan tahay 346 Milyan oo Dollar.

Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay ka imaanayso dakhliga lagu saleeyay odoroska misaaniyadda dalka, waxaana uu sheegay in misaaniyada ay ka duwan tahaya miisaaniyadii hore oo lagu saleeyay ku talagalka lacagaha ka imaanaya gudah iyo dibada.

Meelaha ay ka imaanayso dakhliga Misaaniyadu ayuu ku sheegay sidatan:

  1. Misaaniyada Gudaha waa 93.4 Milyan
  2. Miisaaniyada dowladda Hoose Waa 6.9 Milyan
  3. Deeqaha ka imaanaya Dowlada Federaalka waa 2.5 Milyan
  4. Mashaariicda Bangiga Adduunka waa 20.6 Milyan
  5. Deeqaha laga filayo dowladaha Dibada waa 2 Milyan
  6. Mashriicda Laga Filay Qaramada Midoobay waa 112 Milyan
  7. Mashaariica Hay’adaha Caalamiga ah Waa 107 Milyan

Miisaaniyadan oo noqonaysii tii ugu badnayd ee abdi la sameeyo ayaa la filayaa inuu barlamaanku ansixin doono maalmaha soo socda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *