7 xubnood oo katirsan Al-shabaab oo lagu diley howlgal ka dhacay Gobolka Jubbada hoose

Published: March 12, 2023

Ciidanka xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howgal qorshaysan ka sameeyey meel udhow tuulada miido oo 26-KM u jira Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

Inta la xaqiijiyey ilaa 7 xubnood oo uu kujiro horjooge lagu magacaabo Asad ayaa lagu dilay howlgalkan.

Sidoo kale howlgalkan ayaa lagu soo furtay 4-qori oo ah nooca AK47, 1-qori oo BKM ah sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed.

Howlgal ayaa qeyb ka ah dagaaladda lagu jiro Al-shabaab ee ka socda deegaanada Jubbaland.

Horseed Media