70-Qof oo Mudo Ku Xirnaa Xabsiyada Maraykanka oo Muqdisho La Keenay.

Published: March 10, 2017

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 70 qof oo muddo labo sanno ah ku xirnaa xabsiyadaMaraykanka ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay SONNA ayaa wuxuu sheegay in dadkan ay ku yimaadeen heshiis ay wada galeen Dowladdamaraykanka, Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka iyo laanta socdaalka Soomaaliya

” waxaa ay ahayd is-faham ay gaareen Safaaradda Soomaaliya u fadhida maraykanka , dowladda maraykanka iyo hay`ada socdaalka, tiradu waxay ahaayeen 70, waxayna ahaayeen dad is iskooda u doortay madaama ay xabsiyo ku jiraan muddo labo sanno ah oo ku dhibaataysnaayeen” ayuu yiri Wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu iska fogeeyay in wasaarada amnigu ay ka wax ka ogayd heshiiska saraafaradda Soomaaliya iyo dowladda maraykanka, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inay xaq tahay in dalkooda dib ugu soo laabtaan muwadiiniin Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa xabsiyadda Maraykanka.

Gabagabadii, Waa markii labaad oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo mastaafuriyay dalka Maraykanka ay yimaadaan magaaladda muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *