Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Published: January 20, 2018

Garoonka Aadan Cadda ee Magaalada Muqdsho ayaa waxaa ka dhacay shil diyaaradeed, kaasi oo sababay khasaare maaliyadeed.Diyaaradda shilka gashay ayaa la sheegayaa in ay u rarnayd Midowga Yurub, waxa uuna shilka yimid kadib markii ay isku dhaceen diyaarad rakaab ah oo fadhisay gudaha garoonka, taasi oo sugayey in ay qaado dad ragaab ah

Diyaaradda Midowga Yurub markii ay soo caga dhiganaysay ayey shilka gashay kadib markii iyadoo qeybta Run-Way-ga iskula dhaceen diyaarad kale oo taagneyd ayuu yiri goob jooge la hadlay warbaahinta gudaha.

Labada diyaaradood ee shilka galay ayaa waxaa ka daatay shidaal badan oo ku jiray kaasoo daadsan gudaha Garoonka, iyadoo sidoo kale bu-bur xooggan ay ka soo gaareen labada diyaaradood dhinaca baalayaasha

Shilka ayaa saameyn ku yeeshay duulimaadka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *