Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ICC oo laga yaabo inay soo saarto waaran lagu xirayo saraakiisha Israa’iil

Published: April 30, 2024

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku amartay safaaradaheeda caalamka oo dhan inay u diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara haddii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay soo saarto amar lagu soo xirayo mas’uuliyiinta Israa’iil ee loo haysto dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhan ah Falastiiniyiinta Marinka Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Israel ayaa markii ugu horeysay ka hadashay “xanta” ku saabsan suurtagalnimada in maxkamadda ICC ay soo saarto amarrada lagu xirayo “siyaasiyiinta iyo Saraakiisha sare ee millatariga Israa’iil.”

Iyada oo ay jiraan “xantaas,” wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz ayaa la sheegay in uu faray dhammaan safaaradaha Israa’iil inay si degdeg ah ugu diyaargaroobaan kor u kaca dhacdooyinka nacaybka Yuhuudda iyo Israel.

Israa’iil ayaa ka cabsi qabta in la soo saaro amarro lagu soo xirayo madaxda sare ee militariga iyo dowladda oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, sababo la xiriira dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Madaxa dacwad oogaha maxkamada (ICC) Karim Khan ayaa todobaadkii hore sheegay in ay baarayaan dambiyada dagaal ee ka dhacay Gaza, isla markaana kuwa ku xad gudbay sharciga lala xisaabtami doono.

Israa’iil ayaa weerar bahalnimo ah ku qaaday marinka Qaza tan iyo markii ay weerar dhanka xudduuda ah ku qaadeen kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas 7-dii bishii October ee sanadkii hore, weerarkaas oo Tel Aviv ay sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof.

In ka badan 34,400 oo Falastiiniyiin ah ayey Israel tan iyo markaas ku dhisay weerarka Gaza, dadkaasi oo u badan haween iyo carruur, halka dhaawaca uu marayo in ka badan 77,575 qof.

In ka badan lix bilood oo uu socday xasuuqa Israel wado ayaa sababtay in inta baddan guryaha iyo xarumaha kala duwan ee Gaza la burburiyey, halka 85% dadka deegaanka ay barokaceen, iyadoo ay u dheertahay xannibaadda cuntada, biyaha iyo daawada oo ay Israel dhulkaasi kusoo rogtay.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayey hada hortaal dacwad ay soo gudbisay Dowalda Koonfur Afrika oo la xariirta danbiyada dagaal iyo xasuuqa ay Israa’iil ka geysatay Gaza. Kiisaaski oo ah mid ka duwan baaritaanka ay hada wado Maxkamada kale ee qaabilsan Danbiyada caalamiga ee (ICC).

Horseed Media