Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Xisbiyadda Siyaasada.

Published: November 23, 2019

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waddaa Gelinka hore ee Maanta in uu kulan la qaato xisbiyadda siyaasada ee ay diiwaan-geliyeen gudigga ku meel gaar ah ee doorashooyinka.

Fariin laga baahiyay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay Xisbiyada Siyaasadda inay isugu yimaadaan kulan uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono, kaasoo dhici doona subaxnimada hore ee Sabtida, Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo hogaamiye qaar ka midda asxaabta siyaasada Soomaaliya.

Xisbiyadda lagu waddo in ay kasoo muuqdaan shirkaan ayaa waxaa ka mid ah kuwa siyaasad ahaan taageersan dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Dawlada iyo Xisbiyadda ayaa lagu waddaa in ay ka wada hadlaan hanaanka doorashada Soomaaliya iyo qabsoomidda Doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *