Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay madaxa hay’adda sirdoonka Qaranka ee Turkiga

Published: April 30, 2024

Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga Mudane Ibraahim Kalin.

Madaxweynaha ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimadeenna, waxa uuna xusay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan oo uu goob-joog ku ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ka tarjumaya sida Soomaaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo ladagaallanka argagixiaada.

Dowladda Turkiga ayaa ah saaxiib weyn oo si dhaw ula shaqeeya dowladda Soomaaliya. Muqdisho waxaa ka dhisan xarunta ugu weyn ee ciidamada Turkiga ay ku leedahay Afrika.

Labada dal ee Trkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixdey heshiis dhigaya in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u dhisto ciidamada badda, muddo 10 sano ahna ay la wareegto amniga badda Soomaaliya oo iska leh xeeebta ugu dheer Afrika, heshiiska ayaa sidoo kale dhigaaya sidii looga wada faa’ideysan lahaa kheyraadka Soomaaliya ee shidaalka iyo dhaqaalaha buluugan.

Horseed Media