Daraasad lagu nadiifinayo goobaha biyo-mareenada oo laga daahfay Caasimadda Garoowe

Published: April 30, 2024
Shares92

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta dowladda hoose ee caasimadda Garoowe ayaa lagu daahfuray daraasad cusub oo lagu nadiifinayo goobaha biyo fariisadka ah ee magaalada.

Waxaa daraasadan cusub cusub si wadajir ah u daahfuray Guddoomiyaha degmada Garoowe, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Daraasadan cusub ayaa dadka caasimadda Garoowe ka caawinaysa sidii biyaha looga saari lahaa magaaladda, mustaqbalkana loo heli lahaa Garoowe leh bilic qurux badan oo u tayeysan sida caasimaddaha caalamka.

Horseed Media