Mareykanka oo lagu eedeeyay in ay ku guul dareysatay dagaalka Al-Shabaab

Published: December 9, 2019

Wargayska The National Interest ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay maqaal dheer uu kaga waramayo sida siyaasadda arimaha dibadda Mareykanka ugu guul dareesatay ladagaalanka kooxda al-Shabaab oo kamid kooxaha ugu xoogan ee ka dagaalama qaaradda afrika.

Wargayska ayaa soo qaatay muuqaal oo iska soo duubay bishii November hogaamiyaha kooxda oo warar hore ay sheegayeen in uu dhintay balse muuqaalkiisa ka tarjumayay awooda kooxda iyo wali sida ay baaqi usii tahay.

Kadib muuqaalkaas Al-Shabaab ayaa qaaday weeraro dhawr ah oo qaarkood ka dhacay qaybo kamid ah dhulka Somalliland oo aanan horay looga baranin al-Shabaab in ay weeraro ka gaystaan.

Siyaasiyiinta qaar uu wargeysku wareesatay ayaa leh al-Shabaab waxa ay si daah furan canshuur kaga qaadaan ganacsatada, kaliyana maahan in ay canshuuraan ganacasatada leh xarumaha sida gaarka ah looleeyahay ee xitaa waxa ay canshuuraan xubno katirsan dowladda Soomaaliya.

Dhibaatada sii baaheesa kali ah maahan musuq maasuq ee waa in aysan jirin siyaasad wax hagta ayuu yiri Donald Yamamoto, oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Maqaalka wargeeska ayaa aad u dhaliilay istaatiijiyadda ay saafaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahdo dagaalka al-Shabaab oo sii baahaya.

Qubarada maqaalkan qoray ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda faderaalka ah ee uu hogaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay xooga saartay la dagaalanka mucaaradka halka ay awoodeeda iskugu geen laheed ladagaalanka al-Shabaab.

Markii uu ugu horeesay tan iyo burburkii dowladda Mareykanka ayaa dib uga furatay safaaradeeda Soomaaliya waxa ayna ahayd in ay xooga saarto ladagaalanka al-Shabaab balse siyaasada arimaha Mareykanka oo aad u liidato ayaa keentay in ay sii kordhaan weerarada al-Shabaab ayaa lagu yiri maqaalka wargayska oo aad u dheeraa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *