Twitter Oo Fasax u Dirtay Shaqaalaheeda Cabsida Coronovirus Darteed

Published: March 3, 2020

Iyadoo cabsida la qabo faafitaanka cudurka Coronvirus ee adduunka ayaa Shirkadda Twitter ee baraha bulshada waxa ay shaqaalaheeda kula talisay inaysan soo shaqo tegin oo ay ku shaqeeyaan guryahooda.

Shaqaalaha shirkadda ee wadamada Japan, Koriyada koonfureed iyo Jasiirada Hongkong ayaa la fasaxay, shaqaalaha qaarkood ayaa loo ogolaaday inay guryahood ku shaqeeyaan.

Ilaa 5,000 kun oo shaqaalaha shirkadda Twitter ee adduunka oo dhan ayay shirkadu fasaxday, waxay kaloo shirkadu joojisay shirar caalami ah oo lagu qaban Maraykanka iyo wadamo kale

” Hadafkayagu waa inaanu yarayno khatarta Coronovirus ee shaqaalaheena” Sidaas waxaa yiri Jennifer Christie oo ah madaxa shaqaalaha ee shirkadda Twitter

Shirkadaha facebook iyo google ayaa qaaday tallaabooyin la mid ah tan twiteerka. dad ka badan 3000 kun qof ayaa u dhintay cudurka Coronovirus, waxaana uu ku faafay cudurku ilaa 50 wadan oo caalamka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *