8 March, 2020
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa booqday goobaha ganacsiga degmada Buulaburde,waxaana kormeerka ku wehelinayay maamulka…
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa booqday goobaha ganacsiga degmada Buulaburde,waxaana kormeerka ku wehelinayay maamulka degmada saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoona sheegay in magaalada Buulo-burte ay tahay mid amni ah.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ciidamada amniga kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan sugida amniga iyo shaqada muhiimka ah ay Qaranka u hayaan.
Ugu dambeyntii Guddoomiye Caraale ayaa Bulshada ku dhaqan degmada Buula-burde ugu baaqay iney la shaqeeyaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan.