Saraakiil Alshabaab Ka Tirsan oo La Dilay

Published: March 17, 2020

Dowladda federaalka ee Somaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Komaandooska dowladda federaalka ee  Danab ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al- Shabaab gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanka  Jannaale

Xubnaha sarsare ee la dilay waxaa ka mid ahaa laba horjooge oo kala ahaa Siciid dheere oo ahaa horjoogihii jabhadaha  Shabaab degaanka Ceel-saliini ilaa janaale iyo horjooge Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka jannaale,

Waxaa kaloo weerarkaas lagu dilay 4 xubnood oo la joogay xilliga la dilayay horjoogayaashaasi  sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida taliyaha guutada 16aad Danab xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin.

Dowladda federaalku waxay kaloo sheegtay in Howgalka ciidankuay kula wareegen degaanka Jannaale ee gobolka shabeelada hoose  ayaa si wadajir uga qaybqaateen ciidamada Danab iyo Gor-gor oo ka wada tirsan xoogga dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *