Dowladda federaalka ee Somaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Komaandooska dowladda federaalka ee Danab ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al- Shabaab gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanka Jannaale
Xubnaha sarsare ee la dilay waxaa ka mid ahaa laba horjooge oo kala ahaa Siciid dheere oo ahaa horjoogihii jabhadaha Shabaab degaanka Ceel-saliini ilaa janaale iyo horjooge Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka jannaale,
Waxaa kaloo weerarkaas lagu dilay 4 xubnood oo la joogay xilliga la dilayay horjoogayaashaasi sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida taliyaha guutada 16aad Danab xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin.
Dowladda federaalku waxay kaloo sheegtay in Howgalka ciidankuay kula wareegen degaanka Jannaale ee gobolka shabeelada hoose ayaa si wadajir uga qaybqaateen ciidamada Danab iyo Gor-gor oo ka wada tirsan xoogga dalka.
HORSEEDMEDIA