Taliyaaniga oo qaadaya Bandowga 4ta May

Published: April 27, 2020

Raysalwasaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in 4ta bisha May ay bilaabi doonaan wareega 2aad ee bandowga saaran dalkaasi, iyadoo la khafiifin doono dhaq dhaqaaqan shacabka iyo dib u furida xarumaha ganacsiga qaarkood.

Qorshahan ayaa ah in shacabka loo fasaxo inay banaanka u baxaan ama socdaalaan, balse ma dhaafi karaan degmooyinka ay ku nool yihiin. Waxaa sidoo kale loo ogolaan doonaa Makhaayadaha inay cuntada ay kariyaan ka iibiyaan dadka guryahooda jooga, balse shacabka ma fadhiisan karaan makhaayadaha.

Waxaa iyaguna dib loo furi doonnaa warshadaha iyo shirkadaha waaweyn iyagoo laga rabo inay dhaqan geliyaan in shaqaalahooda ay kala fogaadaan iyo fulinta amarada kale ee looga hortagayo faafida cudurka Covid-19.

18ka bisha May ayaa iyagan loo fasaxi doonaan qeyb kamid ah Dukaanada iyo inay tababaradooda dib u bilaabaan kooxaha Ciyaaraha ee dalkaasi.

1da June ayey dowlada Talyaaniga ay qorsheenaysaa in la furo dhamaan dukaanada iyo goobaha ganacsiga dalkaasi, halka Iskuulada iyo xarumaha waxbaradhada furitaankooda dib loo dhigay illaa bisha September.

Talyaaniga ayaa ahaa wadanka Yurub ee khasaaraha ugu badan kasoo gaaray faafida cudurka Covid-19, waxaana hada la sheegay in tirada dhimashada ee dalkaasi ay hoos ugu dhacday heerkii ugu hooseeyey muddo bil ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *