Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar ayaa ka hadlay dagaalka ka soconayay gobolka Tigray ee…
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar ayaa ka hadlay dagaalka ka soconayay gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya, kaasi oo boqollaal qof waxyeelo kasoo gaartay.
Madaxweynaha oo waraysi BBC-da ayaa beeniyay warar sheegaya in ciidamadooda qeyb ka yihiin dagaalka dowladda Ethiopia ku qaaday dhulka ismaamulka Tigreega, isagoo si weyn u taageeray go’aanka Abiy Axmed ee ka dhanka Tigreega.
“Anaga iyo dowladda dhexe ee Ethiopia waxaan ku heshiinay in la ilaaliyo xuduudaha ballaaran ee deegaanka Soomaalida, mana jirto baahi loo qabo in aan xilligaan qeyb ka ahaano dagaalka,”.
Cagjar
Mustafe Cagjar oo kamid ah madaxda sida aadka ah ugasoo horjeeda xisbiga TPLF ee Tigreega, ayaa sheegay haddii aan damacooda wax laga qaban aysan Ethiopia sii jiridoonin.
Hoos ka dhegayso:
Horseed Media