Midowga Musharaxiinta Oo Ku Dhawaaqay Shir Degdeg Ah

Published: February 10, 2021

Midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dhamaan saamileyda siyaasadda ee dalka, si looga wada hadlo hirgelinta heshiiskii doorashooyinka 17 September.

War qoraal ah oo kasoo baxay golaha midowga musharaxiinta ayaa waxaa lagu taageeray go’aankii dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in Muqdisho lagu qabto shirka 15/Feb/2021, lana ballaariyo ka qaybgalayaasha.

Goluhu wuxuu sheegay inuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsan yahay madaxweyne xilhayntiisu dhamaatay, isla markaana uu shirka kaga soo qaybgalayo isagoo ah musharax madaxweyne haddii uusan ka tanaasulin.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *