QM: “Waa in madaxda Soomaalida ay u dib ugu laabtaan wadahadalka

1 May, 2021

Qaramada Midoobay ayaa soodhaweysay go’aankii Golaha shacabka wakhtigiisu dhamaaday uu dib uga laabtay go’aankii Muddo kororsiga…

Qaramada Midoobay ayaa soodhaweysay go’aankii Golaha shacabka wakhtigiisu dhamaaday uu dib uga laabtay go’aankii Muddo kororsiga uuna soo celiyay heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa u qornaa:

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa go’aanka baarlamaanka Federaalka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed in ay dib u bilaabaan wadahadalka ayna u diyaargaroobaan doorashooyin aan dib u dhac ku imaan.

Qaramada Midoobay waxa ay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan; iyadoo la soo dhoweynayo doorka hoggaamineed ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo matalaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *