Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay…
Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo safar ku yimid Muqdisho.
Kulanka dhexmaray Raysal Wasaaraha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo la-dagaallanka Al-shabaab.
Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday arrimaha dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ra’ysal Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Xafiiskiisa iyo kulanka uu la qaatay ee looga hadlay qodobo dhowr ah.
Horseed Media