Raysal Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Oo Ku Kulmay Muqdisho

Published: March 30, 2022

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo safar ku yimid Muqdisho.

Kulanka dhexmaray Raysal Wasaaraha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo la-dagaallanka Al-shabaab.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday arrimaha dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa Wasiir  ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ra’ysal Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Xafiiskiisa iyo kulanka uu la qaatay ee looga hadlay qodobo dhowr ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *