Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Madaxweynaha ayaa laba masuul Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaare ayaa Hambalyo u diray xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha Shacabka BJFS.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa yiri “Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday”