Farmaajo & Rooble oo Hambalyo u diray labada kuxigeen ee Golaha shacabka

Published: April 28, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Madaxweynaha ayaa laba masuul Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare ayaa Hambalyo u diray xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa yiri “Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *