Guddiga labada Aqal ee doorashada Madaxweynaha JFS ayaa soo saaray farriin ku socota dhammaan Musharaxiinta u…
Guddiga labada Aqal ee doorashada Madaxweynaha JFS ayaa soo saaray farriin ku socota dhammaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha 10-aad e Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada waxaa Musharaxiinta looga dalbaday inay kasoo Jawaaban Codsiga Guddiga ee ah in Musharrax kasta Madaxweyne uu Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka doorashada.
“Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Musharraxiinta soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay aysan u suurta gali doonin inuu hoolka doorashada soo galo qofka la socda”
Guddiga qoraalka ku yiri “Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30pm (duhurnimo) ee maanta”