Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo farriin u diray Musharaxiinta

Published: May 14, 2022

Guddiga labada Aqal ee doorashada Madaxweynaha JFS ayaa soo saaray farriin ku socota dhammaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha 10-aad e Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada waxaa Musharaxiinta looga dalbaday inay kasoo Jawaaban Codsiga Guddiga ee ah in Musharrax kasta Madaxweyne uu Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka doorashada.

“Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Musharraxiinta soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay aysan u suurta gali doonin inuu hoolka doorashada soo galo qofka la socda”

Guddiga qoraalka ku yiri “Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30pm (duhurnimo) ee maanta”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *