Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in sare loo qaadayo tiradda…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in sare loo qaadayo tiradda askarta militariga Ruushka oo hada ah 137-kun waxaana laga dhigayaa, 1.15 milyan oo askari.
Qorshahan ayaa lagu wadaa inuu bilowdo sanadka soo socda 2023.
Putin ayaa horey u sheegay in dagaalka ka socda Ukraine uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan dalalka reer Galbeedka, sare u qaadista tirada askarta Ruushka ayaa sidoo kale ah mid la doonayo in Ruushka uga gaashaanto khasaaraha uga imaankara hadii uu sii daba-dheeraado dagaalka ka socda Ukraine.
Wareegtada la soo saaray Khamiistii shalay ayaa sare u qaadi doonta tirada guud ee ciidamada Qalabka sida ee Ruushka oo la gaarsiin doono 2,039,758, oo ay ku jiraan 1,150,628 askarta militariga.
Horseed Media