Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa Baaq Nabadeed u dirtay dad walaalo…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa Baaq Nabadeed u dirtay dad walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo kamid ah deegaannada hoos yimaada Raaga-ceele iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.
Wasaaradda ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka inay ka shaqeeyaan joojinta colaadda dhax martay dadkaasi isku deegaanka ah.
Sidoo kale Wasaaradda waxay si gaar ah ugu boorisay dadka ay dirirtu dhax martay inay is xakameeyaan.
Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib u Heshisiinta XFS waxay ugu baaqday inay ka fogaadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan.
Horseed Media