Qarax noociisu yahay Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab…
Qarax noociisu yahay Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degaanka Bukh-aqable ee koonfurta gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buulo-burde.
Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Maamulka gobolka Hiiraan 5 qof oo nabadoono u badan ayuu haleelay qaraxaas wadada la geliyey, waxaana goobta ku geeriyootay 4 qof, halka qofkii kale dhaawac looga qaaday.
Dadkaan u badnaa nabadoonada ayaa lagu kala magacaabi jiray:
1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2 – Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
2- Nabadoon Mukhtaar Xaaji
4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.
Horseed Media