Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saaka ka dhacay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud. …
Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saaka ka dhacay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.
Af-hayeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday fariisimaha Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin degaanka Qaayib.
Af-hayeenka ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalkaas khasaare xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana ay mar dhow soo bandhigi doonaan khasaarihii kooxda la gaarsiiyay.
Qaayib ayaa kamid ah degaannadii u danbeeyay ee Gobolka Galgaduud ee Al-shabaab laga saaray oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug.
Horseed Media