Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday kacdoon lagula dagaalamayo Musuq-maasuqa

18 December, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna abuuro dabaqado kala sarreeya

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in xukuumadiisu ay ka go’an tahay cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta, sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ku xijin doonto Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.

Horseed Media