28 December, 2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku soo wajahan caasimadda…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku soo wajahan caasimadda dalka ee Muqdisho halkaas oo booqasho rasmi ah uga billaabaneyso.
Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.
Ciidamada Dowladda ayaa saaka xiray wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Muqdisho.
Hay’adaha ammaanka ayaa shacabka ka dalbaday in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga wafdiga loo sugo.
Horseed Media