Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si wadajir…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaraya xarunta dhexe ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga (AGA) oo laga
hirgeliyay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka qaybgalay xafladda furitaanka Akademiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA).
Xaruntan waxaa February 2015 dhagax-dhigay Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Sidoo kale waxaa maanta madaxweyne Geelle uu hortegay xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.
Horseed Media