Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir…
Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.
Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde isla markaana ajandihiisu ahaa ka tashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Saciid Cabdi Xuseen, isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen muhiimaddiisa iyo in inay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.
Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu dambayn isla qaateen.
Horseed Media