Madaxweyne Xasan Shiikh oo ubax dhigay taallada halgamayaashii SYL

15 May, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya doorka halyeeyadii hormuudka u ahaa halgankii gobanimodoonka…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya doorka halyeeyadii hormuudka u ahaa halgankii gobanimodoonka dalkeenna ee SYL ayaa ubax dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan halganka diiniga ah ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah Nabadda, Amniga iyo Horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.

Horseed Media