Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse la kulmay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Published: September 27, 2024

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Horseed Media